Chelsea oo NUS DARSAN goolal ka badan kaga adkaatay kooxda Norwich City xilli uu saddexleey dhaliyay Mason Mount… SAWIRRO

(London) 23 Okt 2021. Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge si raaxo leh saddexda dhibcood kaga qaadatay kooxda Norwich City, kaddib markii ay kaga adkaatay 7-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea.

Daqiiqadii 8-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Mason Mount waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Jorginho.

18 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Chelsea ayaa dhalisay goolkeeda labaad ee dheesha waxaana 2-0 Hudson-Odoi oo caawin ay kaga timid Kovacic.

Reece James oo caawin ka helay saaxiibkiis Mason Mount ayaa daqiiqadii 42-aad wuxuu dheesha ka dhigay 3-0 ay ku hoggaamineysay kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 57-aad kooxda Chelsea ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 4-0 ka dhigay Ben Chilwell kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Kovacic.

62 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xiddiga kooxda  Norwich City ee Max Aarons ayaa gool iska dhaliyay dheesha ayaana sidaas ku noqotay 5-0 ay ku hoggaamineyay Chelsea.

Daqiiqadii 85-aad kooxda Chelsea ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Mason Mount, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 6-0 ay ku hoggaamineyay Blues.

90 + 1′ Mason Mount oo caawin ay kaga timid saaxiibkiis Loftus-Cheek ayaa soo xiray bandhiga goolashiisa iyo kooxda Chelsea, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 7-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 7-0 ay kaga adkaatay Chelsea, kooxda Norwich City oo marti ugu ahayd garoonka Stamford Bridge, Blues ayaa guushan ay gaartay waxay ka dhigtay inay fadhido hoggaanka horyaalka Premier League, iyada oo leh 22 dhibcood, waxayna 4 dhibcood ka sareysaa Liverpool oo bari la balansan dhigeeda Manchester United.

SAWIRRO:

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close