“Ed Woodward waxa uu ciyaartoyda Man United ula dhaqmi jiray sida caruurta” – Luke Shaw

(Manchester) 21 Okt 2021. Difaaca kooxda Manchester United ee Luke Shaw ayaa laga soo xigtay inuu sheegay in Ed Woodward oo ahaa madaxii fulinta ee naadiga ka ciyaarta Premier League isla markaana is casilay uu xiddigaha kooxda ula dhaqmi jiray qaab liita ama sida caruur la canaanayo oo kale.

Xiddigaha Man United ayaa kasoo horjeestay inay kooxdoodu ka mid noqotay 12-kii naadi ee sida wada-jirka ah dhidibbada ugu dhigay mashruucii guuldarreystay ee European Super League kaasoo ay qayb ka ahayd, waxaana ciyaartoyda ay ku go’aan ahaayeen taageerayaasha.

Shaw ayaa aaminsanaa sida ay The Athletic kasoo xigatay wicitaan muuqaal ah oo aaladda Zoom ku dhex maray Woodward iyo xiddigaha Red Devils oo ku sugnaa qolka lebiska in isaga iyo xiddigaha kooxda kala tirsan uu madaxii fulinta ula dhaqmayay sida caruur oo kale ama si ka xun, sida hanti oo kale ee uusan u arkin iyaga inay bini’aadan yihiin sida uu hadalka uu dhigay.

Intaas kaddib, wargeyska ayaa waxa uu sidoo kale baahiyay inay qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda Ingriiska ka dhisan ay u baqeen waayahooda ciyaaraha qarammada sidaas darteedna ay ku gooddiyeen inay isaga hayaamaan Old Trafford sida Bruno Fernandes oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close