UCL: Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay kooxda Dynamo Kyiv… +SAWIRRO

(Barcelona) 20 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou guul kaga gaartay naadiga Dynamo Kyiv, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada saddexaad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Daqiiqadii 36-aad Barcelona ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-0 ka dhigay Gerard Piqué waxaana goolkan ka caawiyay Jordi Alba.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Dynamo Kyiv oo ku soo booqatay garoonka Camp Nou, taasoo ka dhigtay in Barca ay gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horreysay wareega group-yada ee UEFA Champions League xilli ciyaareedkan.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close