RASMI: Mid ka mid ah Kooxaha Premier League oo shaqada ka cayrisay Macallinkeeda

(England) 20 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa shaacisay inay shaqada ka cayrisay Tababaraheedii Steve Bruce.

Kaddib markii Sucuudigu la wareegeen Newcastle, waxa ay doonayaan inay isbeddel weyn ku sameeyaan guud ahaan kooxda, waxaana ay haatan xaqiijiyeen inay shaqada ka direen macallin Steve Bruce.

Bayaan ka soo baxay kooxda Newcastle United ayaa lagu xaqiijiyey bixitaanka Macallin Steve Bruce waxaana uu u dhignaa:-

“Newcastle waxa ay xaqiijin kartaa in Steve Bruce uu ka tagay booskiisa tababarennimo, weliba heshiis is-afgarad ah.

“Naadigu wuxuu jeclaan lahaa inuu Steve uga mahadnaqo wax-qabadkiisa, waxaana u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan.

“Graeme Jones ayaa si ku meel gaar ah u hoggaamin doona kooxda, kulanka aan Sabtida u safrayno Crystal Palace.

“Waxaana taageeri doona waaxda tababarka kooxda ee Steve Agnew, Stephen Clemence, Ben Dawson iyo Simon Smith.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close