RASMI: Kooxda Barcelona oo Ansu Fati ka saxiixatay heshiis waqti dheer ah

(Barcelona) 20 Okt 2021. Barcelona ayaa bayaan rasmi ah ku shaacisay inay qandaraaska u kordhisay xiddigeeda da’ada yar ee Ansu Fati.

Laacibka reer Spain ee Ansu Fati ayaa u saxiixay kooxda Barcelona heshiis gaaraya ilaa iyo 30-ka June 2027, waxaana la sheegay in qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa uu gaarayo 1,000 milyan euro.

Bayaanka ka soo baxay kooxda Barcelona ayaa lagu sheegay:

“Kooxda waxay heshiis la gaartay ciyaartoyga Ansu Fati si uu u cusboonaysiiyo qandaraaskiisa ilaa 30-ka June 2027, waxaana lagu jabin karaa heshiiska qiimo lacageed dhan hal bilyan oo Yuuro.”

“Qandaraaska cusub ee isku xiraya Fati iyo kooxda waxaa la sameyn doonaa berri oo khamiis ah.” Ayaa lagu sheegay Bayaanka ka soo baxay kooxda Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close