Paulo Dybala oo ogolaanaya inuu qandaraaska u kordhiyo Kooxdiisa Juventus… (Imise sano ayuu saxiixi doonaa?)

(Turin) 20 Okt 2021. Ciyaaryahan Paulo Dybala ayaa la soo warinayaa inuu ogolaanayo inuu qandaraaska u kordhiyo kooxdiisa kubadda cagta Juventus.

Warsidaha Talyaaniga ee Tuttosport ayaa warinaya in Paulo Dybala uu heshiiska u kordhin doono kooxda Juventus, isla markaana uu saxiixi doono heshiis Magaalada Turin ku sii hayn doona illaa sanadka 2026-ka.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ayaa mustaqbalkiisa aad loo hadal hayey bilihii la soo dhaafay, iyadoo su’aalo la iska weydiinayay haddii uu sii joogi doono iyo haddii uu ka dhaqaaqi doono Bianconeri.

Si kastaba ha noqotee, haatan waxa ay u muuqataa inuu sii joogi doono kooxdiisa haatan ee Juve iyo horyaalka Serie A, isla markaana uu saxiixi doono heshiis cusub oo shan sanadood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close