Mesut Özil oo dib ugu soo laaban kara horyaalka Premier League… (Waa tee kooxda dalka England dib ugu soo celinaysa?)

(Istanbul) 20 Okt 2021. Mesut Özil ayaa la warinayaa inuu dib ugu soo laaban karo horyaalka England Premier League.

Sida uu warinayo Suxufiga Ekrem Konur Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa diiradda ku haysa Özil waxaana ay doonayaa inay dib ugu soo celiyaan horyaalka Premier League.

Magpies ayaa mustaqbalka dhow dib ugu soo celin karta dalka England ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal, Mesut Özil.

Suxufiga Ekrem Konur ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Kaddib markii Sucuudigu la wareegay, Goolhayaha Fenerbahçe ee Altay Bayındır iyo Kabtanka Kooxda ee Mesut Özil ayaa ku jira liiska musharraxiinta waayaha cusub ee ay la wareegi karto Newcastle United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close