“Markii aan arkay Ronaldo oo ku guuleysanayo Ballon d’Or, anigana waan ku fikiray inaan ku guuleysto” – Karim Benzema

(Madrid) 20 Okt 2021. Dhammaan ciyaartoyda, maamulka iyo taageerayaasha kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gadaal ka riixaya aragtida ah in xiddigooda Karim Benzema uu hannan karo abaal-marinta kubadda dahabka ama Ballon d’Or oo uu sanadkan ka mid yahay tartamayaasheeda.

Kaddib dhiirro gelintaas oo lagu daray fikrada taageeraya xiddigan sida macallimiinta kooxaha horyaalka Ligu 1, weeraryahanka Faransiiska ah ayaa ku hamminaya inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga ugu wanaagsan sanadka ay siiso majaladda France Football.

“Had iyo jeer waxay ii ahayd hadaf, maanka ayaanna ku hayay, markii aan arkay Cristiano Ronaldo oo ku guuleysanaya aniga waxaan ku fikiray inaan ku guuleysan karo” ayuu Benzema u sheegay ESPN.

Kabtanka labaad ee Los Blancos ayaa intaas raaciyay inay tahay markiisii ugu dhoweyd ee hanashada abaal-marintan marka la fiiriyo qaab ciyaareedka uu soo bandhigay saddex illaa afartii sano ee lasoo dhaafay sida uu isaga qabo.

Si kastaba ha ahaatee, **-jirkan ayaa ka mid ah musharraxiinta ugu cad cad abaal-marinta Ballon d’Or sanadkan inkastoo uu dhanka saadaasha ka dambeeyo xiddigo ay ka mid yihiin Lionel Messi, Jorginho iyo Robert Lewandowski xilli xafladda abaal-marinta lagu qaban doono masraxa Théâtre du Châtelet ee magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska 29-ka bisha November sanadkan 2021.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close