Cristiano Ronaldo oo u ole’oleynaya in Ole la ceyriyo xilli uu maamulka kooxdiisa Man United usoo jeediyay macallinka baddeli karo tababraha reer Norway

(Manchester) 20 Okt 2021. Wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira mustaqbalka macallinka kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegaya in weeraryahanka kooxda reer England ee Cristiano Ronaldo uu doonayo ceyrinta tababarihiisa haatan isagoo maamulka Red Devils usoo jeediyay inay ku baddelaan macallin Zinedine Zidane.

Inkastoo aysan Man United wax guul ah gaarin saddexdii ciyaarood ee lasoo dhaafay horyaalka Premier League, haddana cadaadiska saaran Macallin Ole waxaa ka yareynaya kalsoonida uu ka heysto maamulka naadigaas kuwaasoo taageero badan u muujinaya hoggaamiyahooda qolka lebiska.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay barnaamijka ka baxa TV-yada Spain ee El Chiringuito, Ronaldo ay qayb kasoo galay ole’olaha ceyrinta Ole isagoo kasoo horjeeda hab maamulka macallinkiisa, waxayna wararku intaas ku darayaan inuu soo jeediyay inay Manchester United baddelkiisa keento Zinedine Zidane.

Macallinka Faransiiska oo ay Kabtanka Portugal kasoo wada shaqeeyeen Real Madrid ayaa haatan shaqo la’aan ah kaddib markii uu xagaagan iska casilay xukunka Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close