Barcelona oo qandaraas cusub kala heshiisay Ansu Fati… (Immisa sano ayuu sii joogi doonaa Camp Nou?)

(Barcelona) 20 Okt 2021. Naadiga Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay ku guuleysatay heshiis kordhinta xiddigeeda Ansu Fati kaasoo ay haatan heshiis horudhac ah la gaartay sida ay wararka Spain ka imaanayo ay sheegayaan.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya inay Barca kala heshiisa weeraryahanka reer Spain heshiis horudhac ah kaasoo la filayo in si rasmi ah loogu dhawaaqo maalmaha soo aaddan.

Dhinaca kale, wararka Portugal ka imaanaya ayaa sheegaya inay kulan saacado qaatay shalay yeesheen wakiilka Fati ee Jorge Mendes iyo agaasimaha kubadda cagta Barcelona ee Mateu Alemany iyagoo isla meel dhigay heshiis cusub oo dhici doona 2027.

Si kastaba ha ahaatee, qandaraaska 18-sano jirkan kula jiro Blaugrana ayaa dhici doono dhammaadka xilli ciyaareedkan inkastoo ay kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou ay heysato doorasho ay labo sano ugu kordhin karto qandaraaskiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close