Xiddiga bartilmaameedka u ah Man United ee Trippier: “Waxaan jeclaan lahaa inaan markale ka ciyaaro Premier League”

(Madrid) 19 Okt 2021. Kieran Trippier ayaa shaaca ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu markale ka ciyaaro horyaalka Premier League.

Daafacan oo la la xiriirinayey Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa qirtay inuu jecel yahay inuu dib ugu soo laabto dalka England.

Xiddiga Kooxda Atletico Madrid ee Kieran Trippier ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu markale ka ciyaaro horyaalka English Premier League.

31-sano jirkaan ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Tottenham iyo Burnley, waxaana si xoog leh suuqii xagaaga loola xiriirinayey Kooxda Manchester United.

Trippier ayaa u sheegay Wargeyska Daily Mail rabitaankiisa ah inuu dib ugu laabto dalka England oo uu xirfaddiisa ciyaareed ku soo gabagabeeyo ama xitaa uu tababare ka noqon karo.

Waxaana uu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan markale ka ciyaaro Premier League.

“Yaa garanaya, laga yaabee inaan ka hooseyn doono halka aan jeclaan lahaa, ama laga aabee inaan noqon doono Tababare.” ayuu hadalkiisa ku daray Trippier.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close