UCL: Manchester City oo guul weyn ka soo gaartay kooxda Club Brugge oo ay booqatay… +SAWIRRO

(Bruges) 19 Okt 2021. Manchester City ayaa guul ka soo gaartay kooxda Club Brugge oo ay ku booqatay garoonka Jan Breydel, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-5, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada saddexaad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Manchester City.

Daqiiqadii 30-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay João Cancelo kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Phil Foden.

43 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester City ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Riyad Mahrez ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 0-2 ay ku hoggaamineysay Sky Blue.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad Kyle Walker oo caawin ka helay saaxiibkiis Kevin De Bruyne ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

67 daqiiqo Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta kaddib markii uu 0-4 Cole Palmer oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Raheem Sterling.

Daqiiqadii 81-aad kooxda Club Brugge ayaa dhalisay goolka calanka waxaana 1-4 ka dhigay dheesha laacibkooda Hans Vanaken kaddib markii uu caawinta goolkan ka helay Ruud Vormer.

Laakiin 84 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Riyad Mahrez oo caawin ka helay xiddiga reer Brazil ee Fernandinho ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 1-5 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay 1-5 ay kaga soo adkaatay Manchester City kooxda Club Brugge oo ay ku booqatay garoonka Jan Breydel, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada saddexaad wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close