Kooxda Barcelona oo soo saartay safkeeda ciyaarta Champions League ee habeen dambe

(Barcelona) 19 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa habeen dambe garoonkeeda kula balansan dhiggeeda Dynamo Kyiv kulanka saddexaad ee wareegga guruubyada tartanka Champions League.

Barca ayaa wali raadineysa guusheedii ugu horreysay ee tartanka horyaallada Yurub xilli ciyaareedkan iyadoo min 3-0 guuldarrooyin ah kagala kulantay labadii kulan ee ugu horreysay markaas oo ay la ciyaartay Bayern Munich iyo Benfica.

Si kastaba ha ahaatee, Macallin Ronald Koeman ayaa soo saaray safkiisa Blaugrana ee habeen dambe iyadoo ay hoggaaminayaan Philippe Coutinho iyo Sergio Aguero inkastoo ay ka maqan yihiin Pedri, Ousmane Dembele iyo Ronaldo Araujo oo dhaawacyo qaba isla markaana lagu daray Eric Garcia oo ganaax ku seegaya ciyaartan.

Haddaba sawirkan hoose ka eeg safka Koeman uu kaga hortagi doono Dynamo Kyiv habeen dambe:

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close