Chelsea oo heshiiska u kordhineysa Mason Mount iyadoo mushaharkiisa sare u qaadeysa… (Immisa ayuu haatan ka qaataa Blues?)

(London) 19 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isu diyaarineysaa inay heshiis qiimo badan ku abaal-mariso xiddigeeda khadka dhexe ee Mason Mount sida ay wararku sheegayaan.

Mount oo kasoo qalin-jebiyay kulyadda dhallinyarada ee Blues ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu wax-qabadka wanaagsa kooxda Macallin Thomas Tuchel.

Sidaas darteed, majaladda Goal ayaa sheegtay inay fahansantahay inay kooxda ka dhisan galbeedka London ay siineyso 22-sano jirkan heshiis loogu labo-jibbaarayo mushaharkiisa xilli uu haatan qaato 75 kun oo gini toddobaadkii.

Mount has ayaa 116 kulan u saftay kooxda koowaad ee Chelsea isagoo u dhaliyay 17 gool halka uu caawin ka geystay 16 kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close