Xiddig Qowmu-luud ah oo ka ciyaara Premier League oo in la dilo ka baqaya, billaabayna inuu tababar dhanka jirka ah sameeyo!

(England) 18 Okt 2021. Ciyaaryahan Laga-Roone ah kana mid ah ragga isku jinsiga ah ee wax iska doona oo ka ciyaara Premier League ayaa la sheegay inuu tababar dhanka jirka ah sameynayo si aysan taageerayaasha u fahmin inta uu ciyaarta ku jiro, isla markaasna aysan ugula kicin weerar dil sababi kara.
Xiddigan oo saaxiibbadiis u sheegay inuu ka baqayo in la dilo ayaa la kulmay dhaqtar ku taqasusay cilmi-nafsiga ah maadaama uu ka baqanayo sida ay taageerayaasha ugu fal-celinayaan.
“Waxaan joognaa 2021, waxayna ahayd inaan awoodo inaan xor u ahaado inaan qof walba u sheego qofka aan ahay.” ayuu yiri laacibkan oo aanan la shaacin cidda uu yahay iyo kooxda uu ciyaaro.
“Balse waxaa jira taageerayaal u dhaqmaya sidii in la joogo 1980-maadkii.
“Waxaan rabaa inaan dadka u furnaado sababtoo ah waa qofka aan ahay, waana ku faanayaa, balse runta waxay tahay in la i dili doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Sidoo kale, laacibkan ayaa qiray inuu iska shakisan yahay, isla markaana uu u maleeyo inay taageerayaasha qiyaasi karaan, sidaas darteed uu dhaqtarka jirka tababaro uu ugu tagay si uu uga caawiyo inaan laga dareemin.
Gool FM.