Gool waqti dambe uu dhaliyay Lacazette oo guuldarro ka badbaadiyay kooxda Arsenal… +SAWIRRO

(London) 18 Okt 2021. Kooxaha Arsenal iyo Crystal Palace ayaa dhibcaha ku qeybsaday garoonka Emirates, kaddib markii ay ku kaala baxeen barbardhac 2-2 ah, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Arsenal.
Daqiiqadii 8-aad kooxda Arsenal ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahankooda reer Gabone ee Pierre-Emerick Aubameyang.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
50 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Crystal Palace ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay dheesha Christian Benteke oo caawin ka helay saaxiibkiis Jordan Ayew.
Daqiiqadii 73-aad kooxda kubadda cagta Crystal Palace ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 1-2 ka dhigay Odsonne Edouard, waxaana goolkan ka caawiyay Michael Olise.
90+6 daqiiqo weeraryahanka kooxda Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay barbardhac 2-2 ah.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 2-2 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Arsenal iyo Crystal Palace, xilli ciyaartan lagu soo xiray kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
SAWIRRO:
Gool FM.