Wanda Nara iyo Mauro Icardi oo khilaaf xooggan soo dhex galay iyadoo tirtay sawirradii ay wada lahaayeen xilli ay si maldahan u sheegtay sababta ka dambeysa arrintan

(Paris) 17 Okt 2021. Marwada Mauro Icardi ee Wanda Nara ayaa barteeda Instagram ka saartay seygeeda iyadoo sidoo kale saaxada barteeda ka bixisay ama ka tirtay dhammaan sawirradii ay ku wada jireen iyada iyo weeraryahanka Paris Saint-Germain.

Wanda oo ah xaaska Icardi ayaa qaybta ‘Story-ga’ ee barteeda Instagram soo dhigtay qoraal u fasirmaya: “Qoys kale ayaad u burburiyay Sh******o (gabar jirkeeda ka ganacsato) darteed”, waxayna intaas u raacisay inay ‘Unfollow’ tiri oo ay ka saartay dadka ay ku xiran tahay.

Mauro Icardi's Wife Posts Not So Cryptic Message Claiming Someone 'Ruined  Another Family'

Icardi ayaa guursaday Wanda oo ah wakiilkiisa sanadkii 2014 iyagoo laba caruur ah heysta haatan, hase ahaatee, waxay seygeeda ku eedeysay inuu khiyaanay.

Si kastaba ha ahaatee, marka ay laacibka reer Argentina ka saartay asxaabteeda Instagram iyo qoraalka ay soo dhigtay qaybta ‘Story-g’ ayaa loo fasirtay inuu khilaaf xooggan ka dhex taagan yahay lammaanahan inkastoo aysan carrabbaabin magaciisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close