Tababare Koeman oo si RASMI ah u shaaciyey liiska xiddigaha Barcelona ee ka qeyb galaya kulanka caawa ee Valencia

(Barcelona) 17 Okt 2021. Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Ronald Koeman ayaa shaaciyay liiska 23-ka ciyaaryahan ee uu ku shaqayn doono kulanka horyaalka La Liga oo ay caawa la leeyihiin Naadiga Valencia.

Liiska xiddigaha uu magacaabay Ronald Koeman kulanka ay caawa soo dhoweynayaan naadiga Valencia waxaa dhanka weerarka hoggaaminaya xiddigaha Memphis Depay iyo Ansu Fati.

Tababaraha reer Holland ayaa dib u helay Weeraryahankiisa Kun Aguero, waxaana sidoo kale liiska xiddigaha uu kala hortagayo Valencia ku jira Coutinho.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Barcelona ay kala qeyb galayso kulanka caawa ay soo dhoweynayaan Valencia:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close