Macallin Ole Gunnar Solskjaer oo aan laga ceyrin doonin shaqada Kooxda Manchester United

(Manchester) 17 Okt 2021. Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la soo warinayaa inaan laga ceyrin doono shaqada tababarennimo ee Kooxda Manchester United.

Wargeyska The Athletic ayaa warinaya in Macallinka reer Norway uu weli taageero ka haysta maamulka Kooxda Man United, inkastoo waxoogaa ay hoos u dhacday.

Shaqada Tababarenimo Macallin Ole Gunnar Solskjaer ee Manchester United ayaan haatan halis ku jirin, sida uu daabacay Wargeyska The Athletic.

Inkastoo natiijooyin liitay uu la yimid dhawaanahan, haddana Macallinka reer Norway waxa uu weli taageero xooggan ka helayaaa dadka ay ka go’do talada Man United.

Shalay ayay ahayd markii Man United ay guuldarro 4-2 ah kala kulantay Leicester City, iyadoo Kooxda Foxes lagu naynaaso ay saddex gool dhaliyeen qeybtii dambe ee ciyaarta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close