Kooxda PSG oo liiska xiddigaha ay suuqa ka doonayso ku darsatay Robert Lewandowksi & Erling Haaland

(Paris) 17 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa la soo warinayaa in liiska xiddigaha ay suuqa kala iibsiga ka doonayso ku darsatay Robert Lewandowksi iyo Erling Haaland.

Kooxda reer France ayaa diyaar u ah inay suuqa kala iibsiga ka baadi-goobto weeraryahankii u beddeli lahaa Kylian Mbappe oo qarka u saaran inuu isaga tago PSG.

Warsidaha Le 10 Sport ayaa warinaya in Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowksi iyo dhaliyaha Borussia Dortmund ee Erling Haaland ay Paris Saint-Germain ku darsatay liiska xiddigaha ay suuqa kala iibsiga ka doonayso sanadka 2022-ka.

Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ayaa dooneysa inay xoojiso safkeeda weerarka haddii ay dhacdo in Kylian Mbappe uu ka tago kooxda, iyadoo la soo warinayo inuu xiiso ka helayo Real Madrid.

Lewandowski iyo Haaland ayaa haatan ugu sarreeya liiska xiddigaha ay doonayso PSG, laakiin Weeraryahanka Kooxda Fiorentina ee Dusan Vlahovic ayaa sidoo kale ka mid ah ciyaartoyda ay doonayso.

PSG targeting Haaland, Lewandowski as possible Mbappe replacement

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close