Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou ku dubatay kooxda Valencia… +SAWIRRO

(Barcelona) 17 Okt 2021. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou saddexda kaga qaadatay kooxda Valencia, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 5-aad kooxda kubadda cagta Valencia ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda José Gayà.

Laakiin daqiiqadii 13-aad Barcelona ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay ciyaarta Ansu Fati kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Memphis Depay.

41 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Barcelona ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay oo 2-1 ka dhigay ciyaarta Memphis Depay.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 85-aad Barcelona ayaa dheereysatay hoggaanka ciyaarta waxaana 3-1 ka dhigay Philippe Coutinho kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Sergiño Dest

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Barcelona, kooxda Valencia oo ku soo booqatay garoonka Camp Nou, xilli ciyaartan ay qeyb ka ahayd kulammada toddobaadkan ee horyaalka La Liga.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close