Arsenal oo beddelka Alexandre Lacazette ka dhex aragta Kooxda Real Madrid… (Waa kee?)

(London) 17 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa in beddelka Weeraryahankeeda Alexandre Lacazette ka dhex aragto Real Madrid.

Warsidaha Fichajes ayaa warinaya in Gunners ay beddelka Alexandre Lacazette u aragto Luka Jovic oo ay doonayso inay keento garoonka Emirates.

Arsenal waxa ay doonaysaa Weeraryahanka Kooxda Real Madrid ee Luka Jovic si ay xilli ciyaareedka soo aaddan beddel uga dhigto booska la filayo inuu ka baxo Alexandre Lacazette.

Lacazette ayaa galay sanadkiisii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa garoonka Emirates, mana jiraan wax calaamado ah oo muujinaya ilaa iyo hadda in heshiiska loo cusboonaysiinayo.

Gunners ayaa u jeesan doonta Jovic si ay ugu buuxiso booska Lacazette haddii uu baxo, iyadoo ay u badan tahay in laacibkan reer Serbia la heli karo kaddib markii uu qaab niyad jab leh ku qaatay labadii sano ee ugu horreysay Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close