Real Madrid oo kooxaha Ingiriiska kula dagaallameysa saxiixa xiddig muhiim u ah Juventus

(Madrid) 16 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay dooneyso suuqyada soo aaddan inay sameyso saxiixyo cusub oo dhanka weerarka ah waxayna haatan dareenkeeda u weecisay xiddiga kooxda Juventus ee Federico Chiesa.

Bianconeri ayaa dhammaadka xilli ciyaareedkan heli doonto mulkiyadda Chiesa oo dhammeystiran maadaama uu haatan amaah kula joogo iyadoo kooxdiisa Fiorentina sugeyso kaliya 35 milyan oo gini oo qura isla markaana lagu daray 8.5 milyan oo gini kuwaasoo gunnooyin ah si ay saxiixiisa ugu wareejiso Turin isagoo dhammeystiran.

Hase ahaatee, wararka Spain ka imaanaya ayaa sheegaya inay Juve weerar culus kala kumeyso kooxaha Ingiriiska gaar ahaan Chelsea iyo Newcastle United kuwaasoo baacsanaya saxiixa weeraryahanka Taliyaaniga ah iyo inay sidoo kale kusoo biirtay Madrid.

Sidaas darteed, Los Blancos ayaa diyaar u ah inay dagaal suuqa kala iibsiga ah ay si toos ah ula gasho kooxda ugu qanisan kubadda cagta dunida ee Newcastle iyo Blues si ay ugu qanciso Juventus inay 23-sano jirkan kaga iibsato 85 milyan oo gini taasoo ay suuqii xagaaga iska diidday.

Allegri: 'Chiesa will become a centre-forward in future' - Football Italia

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close