Xiddig ka tirsan Manchester City oo dhaawacmay & mudada uu maqnaanayo oo la sii ogaaday

(Manchester) 14 Ok 2021. Xiddig ka tirsan kooxda Manchester City ayaa ku dhaawacmay intii lagu guda jiray kulankii Talyaaniga iyo Spain ay ku wada ciyaareen tartanka UEFA Nations League, waxayna tani ka dhigi doontaa inuu ugu yaraan hal bil maqnaado.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” Weeraryahanka Manchester City ee Ferran Torres ayaa soo gaaray dhaawac, waxaana suurtogal ah inuu garoomada ka maqnaado mudo afar toddobaad ah, kaddib markii uu lugta ka dhaawacmay intii ay socotay ciyaartii Talyaaniga, oo uu ku dhaliyay laba gool.

Ferran Torres ayaa seegay ciyaartii finalka UEFA Nations League ee axadii ay la ciyaareen France, waxaana baaritaano caafimaad lagu ogaaday in ciyaaryahanka uu jab ka soo gaaray lugta midig.

Man City suffer Ferran Torres blow after Spain forward picks up injury -  Manchester Evening News

Tani waxay ka dhigan tahay, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain, Torres ayaa seegi doona kulamada soo socda Manchester City ee horyaalka Ingiriiska ee ay la yeelan doonaan Burnley, Brighton iyo Crystal Palace, marka lagu daro kulanka Manchester United ee 6-da November.

Xiddiga reer Spain ayaan sidoo kale diyaar u noqon doonin labada lugood Champions League oo ay la ciyaarayaan Club Brugge iyo kulanka Carabao Cup oo ay la ciyaarayaan West Ham United 27-ka October.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close