Jorge Mendes oo ku sugan magaalada Barcelona si uu wada-hadallo ula billaabo naadiga Barca… (Waa kee heshiiska uu ka shaqeynayo?)

(Barcelona) 14 Okt 2021. Wakiilka awoodda badan ee Jorge Mendes ayaa lagu soo warramayaa inuu ku sugan yahay dalka Spain isagoo wada-xaajood la bilaabaya kooxda kubadda cagta Barcelona oo dooneysa inay hubiso mustaqbalka da’yarkeeda Ansu Fati.

Ansu Fati: The season when a child becomes a man

Mid ka mid ah howlaha ugu muhiimsan ee uu qorsheynayo madaxweynaha Barca ee Joan Laporta ayaa ah inuu qandaraaska u kordhiyo xiddigaha da’da yar ee mustaqbalka wanaagsan ku leh si ay kooxda usii heysato sanado badan waxaana ka mid ah Gavi iyo Pedri, si la mid ah Fati.

Qandaraaska weeraryahankan dhallinta yar ayaa dhici doona dhammaadka xilli ciyaareedkan inkastoo ay Blaugrana doorasho u heysato inay ku kordhiso labo sano oo dheeraad ah, sidaas oo ay tahay, Madaxweyne Laporta ayaa doonaya inuu wada-xaajood la billaabo Mendes oo ah wakiilkan laacibkan si qandaraaskiisa Camp Nou loo kordhiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Fati ayaa ku faraxsan Barcelona isagoo doonaya inuu la sii joogo sanado kale, waxaana uu sidaas darteed ka shaqeynayaa inuu aqbalo qandaraas kordhinta kooxdiisa maadaama uu xubin muhiim ah ka noqday Barca tan iyo xilli ciyaareedkii 2019/20 oo uu kooxda koowaad kusoo biiriyay macallinkii xilligaas ee Ernesto Valverde.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close