Cristiano Ronaldo oo abaal-marin cusub guddoomay

(Manchester) 14 Ok 2021. Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiicnaa Manchester United bishii September.

Cristiano Ronaldo ayaa abaal-marintan loo caleemo saaray kaddib markii uu ka soo laabtay xulkiisa qaranka Portugal inta lagu gudajiray kulammadii fasaxa caalamiga ahaa oo uu dhaliyay 4 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay labo gool kulankiisii ugu horreeyay xilli ciyaareedkan ee Red Devils kaasoo uu ka horyimid kooxda Newcastle United, wuxuu sidoo kale gool ka dhaliyay West Ham United, halka sidoo kale kooxaha Young Boys iyo Villarreal uu min gool kaga dhaliyay UEFA Champions League.

Ronaldo oo u mahadceliyay taageerayaashii u codeeyay ayaa maalmo kahor ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican bisha ee horyaalka Premier League.

Ciristiano ayaa dib ugu soo laabtay Manchester United suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, isagoo ka yimid naadiga reer Talyaani ee Juventus.

Image

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close