Barcelona iyo AC Milan oo ku dagaallamaya xiddig u ciyaara Manchester United kaasoo iska diiday inuu qandaraaskiisa kordhiyo

(Manchester) 14 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa lagu wadaa inay xagaaga soo aaddan iska fasaxdo qaar ka mid ah xiddigaheeda kuwaasoo aanan ku jirin qorsho ciyaareedka Red Devils waxaana xiddigahaas ka mid ah Jesse Lingard.

Laacibka Ingiriiska ah ayaa xiiso ka helaya kooxaha Barcelona iyo AC Milan kuwaasoo doonaya inay adeeggiisa helaan xagaaga dambe markaas oo bilaash lagu heli karo maadaama uu dhacayo heshiiska uu ku joogo garoonka Old Trafford.

Lingard ayaa la sheegay inuu iska diiday yabooh qandaraas kordhin ah oo uu ka helay Man United bisha dambe isaga oo ka fiirsanaya go’aanka mustaqbalkiisa maadaama uusan door wacan ku lahayn doorashooyinka Macallin Ole Gunnar Solskjaer.

Si kastaba ha ahaatee, Barca iyo Milan ayaa fasax u heysta inay 28-sano jirka khadka dhexe ee kubbad sameynta ka ciyaara la sameeyaan wada-xaajood iyo heshiis horudhac ah bisha January ee sanadkan iyagoo ku qal-qaalinaya inay xagaaga bilaash kula wareegaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close