Iska illow Pogba, Juventus oo wada xaajood la bilawday wakiilka mid ka mid ah xiddigaha khadka dhexe ee Man United & Barcelona oo ku heysata

(Turin) 13 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay ku dadaaleyso sidii ay suuqa January ula soo saxiixan lahayd xiddigo ka ciyaara khadka dhexe iyadoo markan bartilmaameedkeeda u weecisay horyaalka Premier League.

Juve ayaa la sheegay inay wada xaajood la bilawday wakiillada laacibka Manchester United ee Donny van de Beek kaasoo lala xiriirinayo ka tagista Old Trafford kaddib markii uu shaxda Macallin Ole Gunnar Solskjaer ka noqday mid la illaaway.

Donny van de Beek: Pundits blast Manchester United star's current  predicament - Man United News And Transfer News | The Peoples Person

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska La Stampa ayaa sheegay inay Bianconeri la xaajooneyso wakiillada 24-sano jirka khadka dhexe ka ciyaara si ay ula soo wareegaan bisha January marka uu furmo suuqa kala iibsiga bartamaha xilli ciyaareedka.

Wargeyska ayaa intaas ku daray inay Red Devils daneyneyso kaliya heshiis amaah ah oo dib looga iibsan karo van de Beek iyo inay naadiga Barcelona iyaduna laaceyso xiddiga reer Netherlands.

Xiddigii hore ee Ajax ayaa kaliya u saftay Manchester United saddex kulan dhammaan tartammada halka uu kaliya lix daqiiqo ka ciyaaray Premier League markaas oo uu baddel kusoo galay kulankii Newcastle United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close