Di Lorenzo iyo Insigne oo jirkooda ku naqshadeeyey Tattoo ay ugu dabaal-degayaan EURO 2020

(Naples) 13 Okt 2021. Ciyaartoyda kooxda Napoli ee Giovanni Di Lorenzo iyo Lorenzo Insigne ayaa sameeyay tattoo, waxaana ay ku naqshadeeyeen jirkooda si ay ugu dabaal-degaan ka mid noqoshada xulka Talyaaniga ee ku guuleystay tartankii EURO 2020.

Daafaca midig ee Di Lorenzo ayaa soo bandhigay tattoo aad u weyn oo midab leh oo ku yaal muruqa kubka lugtiisa, kaasoo ay ka muuqdaan koob, midabbada calanka Talyaaniga, astaanta funaanadda Azzurri iyo lambarkiisa 2-aad.

Waxaa sidoo kale ku jira natiijada guushii Talyaanigu ka gaaray xulka England kulankii Final-ka ee ka dhacay garoonka Wembley.

Dhinaca kale marka laga hadlayo Insigne, kabtanka Kooxda Napoli wuxuu doorbiday inuu Tattoo weyn oo koobka Koobka Qaramada Yurub ah ku sameyso lugtiisa, waxaana sidoo kale ka muuqda lugtiisa sawir weyn oo ah Diego Armando Maradona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close