RASMI: Germany oo noqday xulkii ugu horreeyay ee usoo baxay Koobka Adduunka 2022 kaddib guushii xalay

(Berlin) 12 Okt 2021. Xulka qaranka Germany ayaa iska xaadiriyay heerka guruubyada ee Koobka Adduunka 2022 ka dhici doona dalka Qatar kaddib markii uu xalay 4-0 ku xaaqay dhiggiisa North Macedonia xalay.

Kai Havertz ayaa daah furay bandhigga goolasha daqiiqaddii 50-aad ee ciyaarta iyadoo uu labo gool oo xiriir ah uu raacsaday xiddiga kooxda ay Chelsea ka wada tirsan yihiin ee Timo Werner waxaana goolka afaraad dhaliyay Jamal Musiala.

Guushaas ayaa ka dhigtay in xulka Jarmalka uu adkaaday toddobo ka mid ah siddeeda kulan ee uu ka ciyaaray guruubka J ee is-reeb-reebka guruubyada isagoo siddeed dhibcood ka sarreeya xulka kusoo xiga waxaana ka harsan kulammada guruubka kaliya labo kulan.

Sidaas darteed, xulka uu hoggaaminayo Macallin Hansi Flick ayaa usoo baxay Koobka Adduunka 2022 xilli xulka Romania uu kaalinta labaad kula jiro 13 dhibcood isagoo hal dhibic ka sarreeya North Macedonia iyo Armenia kuwaasoo wadaaga min 12 dhibcood, xulka Iceland ayaa siddeed dhibcood heysta iyadoo xulka Liechtenstein uu heysto kaliya hal dhibic.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close