Cristiano Ronaldo oo ganacsi cusub kula midoobay saaxiibkiis Peter Lim… (Muxuu ka shaqeyn doonaa ganacsigan cusub?)

(Yurub) 12 Okt 2021. Xiriirka ka dhexeeya laacibka Manchester United ee Cristiano Ronaldo iyo Peter Lim ayaa kasii ballaaranaya saaxiibtinnimo iyagoo ku midoobay ganacsiyo kala duwan waxayna haatan labadooda si wada jir ah ugu dhawaaqeen shirkad cusub oo lagu magacaabo ZujuGP.

Sanado kahor, shirkadda Lim ee Mint Media ayaa yeelatay mulkiyadda iyo maamulka xuquuqda sawirrada Ronaldo marka laga soo tago lacagta ay kooxaha uu usoo ciyaarayay ay ka heleen kuwa uu magacooda huwanaa.

Kabtanka Portugal ayaa shalay ku dhawaaqay ganacsiga cusub ee uu kula midoobay Lim kaasoo ka shaqeyn doona in la mideeyo kubadda cagta, tiknoolajiyadda iyo is-gaarsiinta waxaana loogu magac daray ZujuGP.

Cristiano Ronaldo and Peter Lim announce new business venture | Marca

“Marnaba kubadda cagta uma sii arki doontii sidii hore” ayuu u dhigan yahay hal-ku-dhigga shirkadda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close