Naadiga Barcelona oo suuqa January dooneysa saxiixyo cusub oo uu mid ka mid ah ka tirsan yahay Liverpool

(Barcelona) 09 Okt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay bisha January isku dayi doonto saxiixa xiddigo ka ciyaara khadka dhexe.

Barca ayaa suuqii xagaaga isku dayday inay bilaash kula soo wareegto  Georginio Wijnaldum kaasoo si xor ah uga tagay Liverpool kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa Anfield hase ahaatee, isku daygaas ma uusan guuleysan iyadoo khadka dhexe ee xulka Netherlands uu ku biiray Paris Saint-Germain.

Gavi iyo Nico Gonzalez ayaa labaduba qaab ciyaareed wacan kusoo bandhigay Camp Nou xilli ciyaareedkoodii ugu horreysay ee kooxda waaweyn, balse majaladda Sport ee kasoo baxda Catalonia ayaa sheegtay inay Blaugrana dooneyso saxiix cusub oo khadka dhexe ka ciyaara bilawga sanadka 2022.

Sidoo kale kooxda Barcelona ayaa dooneysa saxiixa weeraryahan dhexe kaasoo lagu heli karo qiimo hoose waxaana bartilmaameed u ah xiddiga naadiga Valencia ee Maxi Gomez iyo laacibka Reds ee Divock Origi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close