Eden Hazard oo uu dhaawac soo gaaray isagoo kusoo laabtay magaalada Madrid… (Miyuu seegi doonaa El Classico?)

(Madrid) 09 Okt 2021. Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Eden Hazard ayaa kusoo laabtay magaalada Madrid isagoo ka haray safka xulkiisa Belgium kaddib ciyaartii ay guuldarrada kala kulmeen France kulankii nus-dhammaadka tartanka UEFA Nations League.

Hazard ayaa dhaawac uga baxay kulankiisa Faransiiska iyadoo si xaaladdiisa loo hubiyo loogu soo celiyay dhaqaatiirta kooxdiisa inkastoo xiriirka kubadda cagta dalka Belgium (Belgian Football Association) uu aaminsan yahay in dhaawaca soo gaaray Kabtanka xulkooda uusan ahayn mid daran.

Sida la sheegay, laacibka garabka ka ciyaara ayaa tijaabo horudhac ah ku maray magaalada Milan ee dalka Taliyaaniga markii uusoo dhammaaday kulankii uu ku dhaawacmay.

Jariiradda MARCA ayaa sheegtay inuu xiddigan dhaawac kasoo gaaray muruqa iyadoo laga cabsi qabo inuu seego ciyaarta El Classico oo uusan illaa iyo haatan u ciyaarin Madrid xilli uu labo xilli ciyaareed ku sugan yahay La Liga, waxaana Los Blancos ay kulankeeda ugu soo horreeya ciyaari doontaa Talaadada 19-ka October oo ay la balansan tahay Shakhtar Donetsk ciyaar ka tirsan Champions League waxaana shan maalmood kaddib ay la balansan tahay Barcelona ciyaar La Liga ka tirsan oo dhaceysa 24 October.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close