Dad aad ugu dhow Paul Pogba oo ogaaday go’aanka mustaqbalkiisa Man United xilli qandaraaskiisu uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan

(Manchester) 07 Okt 2021. Xiddiga naadiga Manchester United khadka dhexe uga ciyaara ee Paul Pogba ayaa dadka aadka ugu dhow ogeysiiyay go’aanka mustaqbalkiisa maadaama uu ku jiro bilihii ugu dambeeyay qandaraaskiisa.

Joornaaliistaha Taliyaaniga ah ee Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka ku baahiyay inay Man United u heyso yabooh lagu kordhinayo qandaraaska kubbad sameeyaha Faransiiska isla markaana sare loogu qaadayo mushaharkiisa inkastoo uusan shaacin lacagta saxda ah xilli dhammaadka xilli ciyaareedkan uu idlaan doono heshiiskiisa haatan.

Dhinaca kale, jariiradda France kasoo baxda ee L’Equipe ayaa baahisay inuu Pogba diyaar u yahay inuu heshiiska u kordhiyo Red Devils sidoo kalena uu baaqi kusii ahaado Old Trafford isagoo taas u sheegay xubnaha ugu dhow-dhow safka kooxdiisa.

Horraan ayay ahayd markii jariirada Ingiriiska kasoo baxda ee The Sun ay sheegtay inay kooxda Manchester United soo gabagabeyn doonto heshiis cusbooneysiinta xiddigii hore ee Juventus marka la gaaro dhammaadka bisha December ama Ciidda Masiixiga iyadoo mushaharkiisa gaarsiineysa 400 kun oo gini sida ay The Sun sheegtay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close