Belgium vs France: Horudhaca kulanka afar-dhammaadka UEFA Nations League… (Sidee ayay labadan xul kusoo gaareen heerkan?)

(Turin) 07 Okt 2021. Kaddib markii uu xalay xulka qaranka dalka Spain kasoo tallaabay dhiggiisa Taliyaaniga oo ku ciyaaraya carradiisa kulanka afar-dhammaadka koowaad ee tartanka UEFA Nations League ciyaar kusoo dhammaatay 2-1, waxaa caawa isu biro-tumanaya xulalka Belgium iyo France kuwaasoo ciyaaraya afar-dhammaadka labaad ee tartankan.

Tartankan loo ciyaaro qaabka horyaallada heerkiisa guruubyada ayaa marxaladdiisa gabagabeynta dib u dhac ku yimid kaddib sababihii Korona Fayras iyo tartanka Euro 2020 oo waqtigiisii qaatay maadaama uu hal sano dib usoo dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, xulka qaranka Belgium ayaa kaalinta koowaad kaga soo gudbay guruubka 2-aad ee League A kaasoo ay kula jireen xulalka Denmark, England iyo Iceland halka xulka France uu kasoo guruubka 3-aad ee League A waxaana kula jiray Portugal, Croatia iyo iyo Sweden.

Haddaba caawa waxaa foodda isku daraya magaalda Turin xulalka Belgium iyo France oo midkii adkaada uu wajihi doono Spain ciyaarta Fiinaalka ee dhici doonta toddobaadka xiga horraantiisa.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Europe – UEFA Nations League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:45 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka:Daniel Siebert (Germany)

Garsooraha: Allianz Stadium

Wararka xulalka:-

Macallinka xulka qaranka Belgium ayaa is baddello kooban ku sameeyay safkiisii ugu dambeeyay ee Belgium isagoo kusoo daray Christian Benteke iyo Dennis Praet halka uu ka reebay Dries Mertens, sidaas darteed, xulkan ayaa heysta saf ciyaareed dhammeystiran.

Si taas la mid ah, Macallinka France ee Didier Deschamps ayaa dhowr is baddel ku sameeyay safkiisa, waxaana uu markan kasoo reebay Clement Lenglet, Thomas Lemar iyo Olivier Giroud halka N’Golo Kante iyo Kingsley Coman ay dhaawacyo kaga hareen safka xulka sidaas darteed, inta kale waa u diyaar.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Belgium iyo France ayaa min labo guul kala qaatay lixdii is-arag ee ugu dambeysay iyadoo labada kalena barbarro ku kala baxay.

Xulka Belgium ayaa kaliya laga adkaaday hal jeer 17-kii ciyaarood ee uu dheelay dhammaan tartammada isagoo adkaaday 14 kulan halka labada kalena uu barbarro galay, guuldarradaas madiga ahna waxaa biday xulka Italy oo ku garaacay wareegga rubac-dhammaadka ee tartankii qarammada Yurub ee Euro 2020.

Xulka qaranka France ayaanan laga adkaan ciyaar ku dhammaatay 90 daqiiqo dhammaan 14-kii ciyaarood ee ugu dambeeyay dhammaan tartammada isagoo guuleystay siddeed lixna barbarro galay inkastoo ay guuldarro rigooreyaal ah kala kulmeen Switzerland wareeggii 16-ka ee Euro 2020.

Safafka macquulka ah ee labada xul:-

Belgium:

France:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close