Italy vs Spain: Horudhaca kulanka afar-dhammaadka UEFA Nations League… (Xogta tartankan, sida ay halkan kusoo gaareen & Goobta lagu ciyaarayo)

(Milan) 06 Okt 2021. Waxaa caawa bilaaban doona heerkii ugu dambeeyay ee tartanka UEFA Nations League kaasoo xulalka qaaradda Yurub ay ciyaaraan labadii xilli ciyaareedba mar, waxaana haatan wareeggiisa afar dhammaadka isugu soo haray xulalka Italy iyo Spain oo wada ciyaaraya iyo Belgium iyo France oo habeen dambe ciyaari doona.

Afartaan xul ayaa mid walba waxa uu kasoo baxay kaalinta koowaad min guruubyadii ay kaga jireen League A ama horyaalka koowaad ee tartankan.

Italy ayaa guruubka 1-aad ee League A kaga soo baxday booska koowaad iyadoo ay guruubka kula jireen xulalka Netherlands, Poland iyo Bosnia and Herzegovina, halka Spain uu kasoo baxay guruubka 4-aad ee League A, waxaana kula jiray xulalka Germany, Switzerland iyo Ukraine.

Dhinaca kale, xulka habeen dambe ciyaaraya ee Belgium ayaa kasoo baxay guruubka 2-aad ee League A xilli ay Denmark, England iyo Iceland ay kula jireen waxaana habeen dambe uu foodda darayaa France oo guruubka 3-aad ee League A kaga soo tagay xulalka Portugal, Croatia iyo iyo Sweden.

Dhammaan afarta xul ee guruubyadan kasoo gudbay ayaa isugu yimid Taliyaaniga si tartanka ay qaab bug bax ah ugu soo dhammeeyaan dalka Taliyaaniga iyadoo afarta gashay kaalmaha ugu hooseeya guruubyadaanna ay u dhaadhaceen League B taas baddelkeedna afar waddan ayaa soo dallacday oo xilli ciyaareedka xiga ee tartankan ciyaari doona League A.

Horyaalkan xulalka ah heerkiisa guruubyada ayaa la ciyaaray bilawgii xilli ciyaareedkii 2020, waxaana uu qorshaha ahaa in xagaaga lasoo gabagabeeyo balse xulalka qaaradda Yurub ayaa ciyaarayay tartankii Euro 2020 oo dib u dhac uu sabab u ahaa Korona Fayras awgii loo ciyaaray haatan.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Europe – UEFA Nations League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 09:45 Habeennimo xilliga Geeska Afrika

Garoonka: Sergei Karasev (Russia)

Garsooraha: San Siro

Wararka xulalka:-

Dhabar-jabka ugu weyn waxa uu xulka Taliyaaniga kala kulmayaa dhaawaca soo gaaray gooldhaliyaha naadiga Lazio ee Ciro Immobile kaasoo dhaawac loogaga saaray xulka Italy si la mid ah xiddigaha naadiga Atalanta ee Matteo Pessina iyo Rafael Toloi halka Leonardo Spinazzola uu weli la maqan yahay dhaawacii soo gaaray intuu uu socday tartankii Euro 2020.

Dhinaca kale, xulka Spain ayaa qaba tiro dhaawacyo ah, waxaana dhibaatooyin dhaawac awgood looga saaray xulka xiddigaha kala ah Pedri, Marcos Llorente iyo Brais Mendez halka ay sidoo kale xulka ka maqan yihiin xiddigo waaweyn sida Adama Traore, Jordi Alba, Dani Olmo, Thiago Alcantara iyo Alvaro Morata, balse waxaa markii ugu horreysay xulka La Roja u ciyaari kara safkana ku jira Yeremi Pino oo ka tirsan Valencia iyo Gavi oo u ciyaara Barcelona.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

Xulka Italy ayaa haatan guuldarro la’aan ah 38 kulan dhammaan tartammada waxaana guuldarro ugu dambeysay 2018 oo xulka Portugal ku garaacay heerka hore ee isla tartankan UEFA Nations League.

Kulanka caawa ayaa noqon doona markii 35-aad ee ay is arkaan Italy iyo Spain, marka la eego 34-tii hore, xulka lagu naaneyso La Roja ayaa 12 guul helay, halka Azzuri uu helay 10 guul, waxayna barbarro galeen 12-ka kale.

Haddii uu ciyaartan safto, Lorenzo Insigne ayaa ciyaari doona kulankiisii 50-aad ee xulka Italy isagoo haatan u dhaliyay 10 gool waxaana uu yahay xiddiga ugu goolasha badan Azzuri safkeeda haatan.

Safafka macquulka ah ee labada xul:-

Italy:

Spain:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close