Gary Lineker oo wareysi uu siiyay MARCA ku kala doortay Ronaldo iyo Messi isagoo raaciyay sababta

(Spain) 06 Okt 2021. Halyeyga xulka qaranka England ee Gary Lineker ayaa isagoo ku sugan dalka Spain wareysi siiyay majaladda MARCA ee ugu afka dheer dalkaas waxaana waxyaabihii uu ka hadlay ka mid ahaa jaceylka uu u qabo qaabka ay kubadda ciyaaraan halyeeyada Argentina ee Diego Armando Maradona iyo Lionel Messi inkastoo halyeyga geeriyooday uu xiriir aanan wanaagsaneyn la lahaa dalka Ingiriiska.

Lineker oo waayihiisa ciyaareed saddex sano oo ka mid ah kusoo qaatay Barcelona ayaa haatan barnaamuj soo jeediye ka ah mid ka mid ah muuq-baahiyeyaasha ciyaaraha isagoo sidoo kale ah safiir u ah horyaalka La Liga, waxaana isagoo ku sugan magaalada Madrid la weydiiyay: “Waxaad tahay Ingiriis, waxaadna jeceshahay Diego Maradona iyo Leo Messi, dalkaaga kaagama niyad-jabayaan miyaa arrintan?”

“Waxay na siiyaan farxad, waa labo kale oo waaweyn lida labada Ronaldo oo kale, tusaale ahaan aniga waxaan u tix geliyaa iyaga inay yihiin kuwa wax dheer gool-dhaliyeyaal” ayuu Lineker ku billaabay jawaabtiisa.

“Diego iyo Leo waxay sameeyaan oo ay sameeyaan ciyaar walba labo ama saddex wax oo aniga iska daayee xittaa ku dhowaad qof walba uusan sameyn karin xirfaddiisa oo dhan, waxay ciyaaraan isboorti kale, sidoo kale waan jeclahay Cristiano, in badan ayaan u xushmeeyaa, waana mid weyn sidoo kale…

“Balse aragtideyda kubadda cagta ee daacadda ah waa ineysan jirin is-barbardhig ah mida ugu fiican, maxaa yeelay waxyaabaha ee Messi sameynaya dartood, marka aan sidaas dhahaayo xitaa wey i dhaawaceysaa inaan is-barbardhigo maxaa yeelay waa labo miisaan leh” ayuu hadalkiisa kusii daray weeraryahankii hore ee Barca iyo xulka England.

Si kastaba ha ahaatee, wareysiga Gary Lineker uu siiyay MARCA ayaa ahaa mid dheer, waxaana uu sidoo kale ka hadlay inuu aad u xiiseynayo xiddigaha dhallinta yar ee kasoo dhalaalaya La Liga iyo xiddigaha farsamada u saaxiibka ah ee xulka qaranka Ingiriiska isagoo qaba inay Jude Bellingham, Phil Foden, Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Jack Grealish ay leeyihiin hab-ciyaareedka Isbaanishka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close