Caqabadaha dhaqaale ee heysta Barcelona oo sabab u noqonaya inay lumiyaan xiddigo muhiim u ah mustaqbalkeeda kaddib bixitaankii Messi

(Barcelona) 06 Okt 2021. Barcelona ayaa dhexda ka dabaalaneysa xaalad dhaqaale oo aad u liidata taasoo kahor taagan inay kordhiso qandaraasyada qaar ka mid ah xiddigaheeda dhaxal-galka ah xilli ay xusid mudan tahay in xagaagan uu bilaash kaga tagay xiddigii ugu weynaa taariikhdeeda kaddib markii ay dhaqaale darro awgeed heshiiska ugu kordhin weysay.

Madaxweynaha kooxda Barca ee Joan Laporta ayaa isku dayaya inuu sare u qaado hammiga kooxda isagoo doonaya inuu kooxda mustaqbalkeeda diyaariyo.

Sidaas darteed, Blaugrana ayaa ku dadaaleysa inay heshiiska u kordhiso Sergi Roberto, Ansu Fati iyo Ousmane Dembele inkastoo bilihii u dambeeyay ay hakad galeen wada hadalladii ay qandaraaska ugu kordhineysay xiddigana.

Laporta ayaa bil kahor sheegay in heshiis cusbooneysiinta Roberto ay isku raaceen isla markaana kaliya la sugayo saxiixiisa iyadoo aysan illaa iyo haatan jirin wax kasoo naaso cad, waxaana intaas u sii dheer in xiddiga garabka ka ciyaara ee Dembele uu qandaraaskiisa dhici doono xagaaga soo aaddan xilli laacibka Faransiiska uu xor u noqon doono inuu wada xaajood la bilaabo kooxo kale marka la gaaro bisha January.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa walaaca ugu weyn ka muujineysa Fati maadaama da’yarka reer Spain uu yahay isha ugu muhiimsan ee mustaqbalka, waxaana qandaraaska xiddigan dhallinyarada uu dhici doonaa sanadka soo aaddan ee 2022 hase yeeshee Barca ayaa heysata doorasho ay heshiiskiisa ku kordhin karto labo xilli ciyaareed oo dheeraad ah taasoo ku jirtay heshiiskii hore.

Inkastoo uu qodobkaas ku jiro heshiiska haatan uu ku joogo Camp Nou, haddana kooxda Isbaanish-ka ah ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso iyadoo wada-xaajoodyada ay u socdaan si gaabis ah, waxaana wakiilkiisa Jorge Mendes uu shaki la’aan doonayaa inuu laacibkan heshiis muddo dheer ka helo kooxdiisa.

Marka laga soo tago saddexdaas xiddig, si la mid ah Fati, Pedri qandaraaskiisa Barcelona ayaa dhici doona 2022 inkastoo ay kooxdiisa heysato doorasho ay heshiiskiisa ku gaarsiin karto 2024.

Da’yarkan ayaa xubin muhiim ah ka noqday shaxda Macallin Ronald Koeman tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Las Palmas.

Intaas kaliya kuma eka, xiddigaha u baahan in qandaraaskooda la kordhiyo waxaana xisaabta ku jira Ronald Araujo kaasoo muujiyay sida uu muhiim ugu yahay kooxda koowaad, balse, inkastoo uu dhallin yaryahay misena heshiiskiisa uu dhacayo 2023, haddana Barcelona ayaa dooneysa inuu difaaceeda saxiixo heshiis sanado badan kusii heyn doona kooxda ka dhisan gobolka Catalonia

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda xiddiga reer Uruguay ayaa u muuqata mid ka sahlan kuwa kale maadaama uu diyaar u yahay inuu heshiis cusub saxiixo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close