Waa kuwee afarta kooxood ee ku tartamaya bisha Janaayo saxiixa Weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner?

(London) 05 Okt 2021. Waxaa magacyadooda la shaaciyey afar kooxood oo ku tartamaya saxiixa Weeraryahanka Naadiga Chelsea ee Timo Werner.

Warsidaha Expess Sport ayaa warinaya in Timo Werner ay xiisaynayaan afar kooxood oo kala duwan, kuwaasoo doonaya inay la wareegaan laacibkan marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha Janaayo.

Weeraryahanka reer Jarmal ayay ku adkaatay inuu si joogto ah ugu ciyaaro Chelsea, iyadoo haatan la warinayo in Kooxaha Atletico Madrid, Bayern Munich, Borussia Dortmund iyo Juventus ay isku diyaariyeen inay la wareegaan oo ay siiyaan boos joogto ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close