Kylian Mbappe oo sheegay halka uu ku biiri lahaa haddii uu ka tagayo PSG

(Paris) 05 Okt 2021. Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Kylian Mbappe ayaa sheegay inuu xagaagan ku doonayay ka tagista kooxda Paris Saint-Germain isagoo qiray inuu bixitaankiisa u arkayay talaabada xigta ee macquulka ah.

Laacibka reer France ayaa wareysi uu si wada jir ah u siiyay L’Equipe iyo RMC ku sheegay inuu ku biiri lahaa kaliya Real Madrid walow warar aanan xoog badneyn ay la xiriiriyeen Liverpool.

“Haddii aan xagaagan bixi lahaa, kaliya waxaan aadi lahaa Real Madrid” ayuu kusheegay wareysigiisa.

Waxaana uu intaas raaciyay inuu Ligue 1 ka ciyaarayay lix ama toddobo xilli ciyaareed sidaas darteed uu doonayay meel cusub iyo loollan cusub.

Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa isku dayday suuqii xagaaga inay iibsato 22-sano jirka reer France hase ahaatee, waxaa dhammaan dalabaadyadeedii iska soo diiday PSG.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close