“Ficilkeyga taleefanka waxa uu ku socday dadka og inaan isla lambarkii aan heysto” Luis Suarez kaddib goolkii uu ka dhaliyay Barcelona

(Madrid) 03 Okt 2021. Weeraryahanka khibradda badan ee Luis Suarez ayaa xalay gool ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Barcelona isagoo shabaqa gaarsiiyay goolkii labaad ee Atletico Madrid kulan ciyaareedkii ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Suarez ayaanan sameyn wax dabaal deg ah markii uu goolkaas dhaliyay hase ahaatee, waxa uu bixiyay tilmaam u sawiran inuu taleefan dhegta saaranayo oo kale taasooo lagu micneeyay inuu farriin ugu diraayay macallinka Barca ee Ronald Koeman.

Koeman ayaa xiddiga reer Uruguay u sheegay inuu dheeraad ku yahay Camp Nou markii shaqada loo dhiibay xagaagii 2020 isagoo kula hadlay taleefanka, hase ahaatee Suarez ayaa sheegay inuusan ula dan lahayn macallinka reer Netherlands.

“Waxay ku socotay dadka og inaan heysto isla lambarkii welina aan isticmaaleeyo isla taleefankii” ayuu yiri kaddib ciyaartii xalay.

“Ma quseyn Koeman, maya guud ahaanba.

“Haddii aad rabtaan inaad ogaataan… waxaan kula kaftamay caruurteyda inaan sidaas sameyn doono”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close