Safkii ugu wanaagsanaa Champions League toddobaadkan oo lasoo saaray… (Messi & CR7 oo aanan ku jirin iyo…)

(Yurub) 30 Sebt 2021. Waxaa toddobaadkan la ciyaaray kulammada labaad ee marxaladda Guruubyada tartanka Champions League xilli ciyaareedka 2021-22, waxaana kasoo baxay natiijooyin lama filaan ah oo qaarkood ay la kulmeen kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.

Naadiga reer Moldova ee Fc Sheriff ayaa ka yaabsatay Los Blancos kaddib markii ay ku garaacday garoonka Santiago Bernabeu habeenkii Talaadada ciyaar ku dhammaatay 1-2, halka naadiga Benfica ay 3-0 ku xaaqday Barca, sidaas darteed, labadaas naadi ayaa xiddigo ku yeeshay safkan.

Lionel Messi oo gool u dhaliyay Paris Saint-Germain ciyaartii ay Manchester City 2-0 kaga adkaatay iyo Cristiano Ronaldo oo goolkii guusha daqiiqaddii ugu dambeysay ciyaarta ka dhaliyay naadiga Villarreal ayaanan lagu soo darin safkaan, se waxaa kasoo muuqday Federico Chiesa oo Juventus u dhaliyay goolkii madiga ahaa ee ay ku suul-daartay Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, majaladda Sportsmail ee kasoo baxda Ingiriiska taasoo toddobaad walba sameysa kooxda ugu wanaagsan ee tartanka horyaallada Yurub ayaa soo saartay saf u dhigan sidan:

Goolhaye: Giorgos Athanasiadis (Sheriff)

Difaaca:

Rafael Toloi (Atalanta)

Milan Skriniar (Inter)

Leonardo Bonucci (Juventus)

Douglas Santos (Zenit)

Khadka dhexe:

Curtis Jones (Liverpool)

Idrissa Gueye (PSG)

Sebastien Thill (Sheriff)

Weerarka:

Federico Chiesa (Juventus)

Karim Adeyemi (Red Bull Salzburg)

Darwin Nunez (Benfica).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close