Ronaldo oo codsi gaar ah u diray taageerayaasha Manchester United kaddib guushii Villarreal

(Manchester) 30 Sebt 2021. Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay inuu guul gaarsiiyo kooxdiisa Manchester United daqiiqadii ugu dambeysay ciyaartii xalay ay la ciyaareen naadiga Villarreal.

Manchester United ayaa guul soo laabasho ah kaga gaartay garoonkeeda Old Trafford kooxda Villarreal, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, United-ka waxaa goolasha u kala dhaliyay Alex Telles iyo Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa ciyaarta kaddib wuxuu codsi gaar ah ka dalbaday taageerayaasha kooxda Manchester United, wuxuuna yiri:

“Taageerayaashu waxay leeyihiin door marka ay kooxdu ku jirto waqti adag, waa kuwa na dhiirogaliya, waana sababta aan u weydiisanayo inay sii wadaan.”

“Waxay ahayd dhacdo aan la rumaysan karin, marka waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dhaliyo goolka guusha iyo sida ay u dhacday.”

“Waxaan rabaa inaan sii wado qorista taariikhda kooxdan, laakiin waa inaan sheegaa habdhaqanka iyo dabeecadda kooxda garoonka dhexdiisa taasina waa waxa ugu muhiimsan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close