Xiriirrada kubadda cagta qaaradda Yurub iyo Koonfurta Ameerika oo ku heshiiyay kulan ciyaareed dhex mari doona xulalka Italy iyo Argentina… (Xilliga la ciyaari doono, goobta la filayo iyo sababta rasmiga ah ee…)

(Yurub) 29 Sebt 2021. Xulkii kusoo guuleystay koobka qarammada Yurub ee Italy ayaa kulan ciyaareed la qaadanaya xulkii kusoo guuleystay koobka qarramada Koonfurta Ameerika ee Argentina sida ay isku raaceen xiriirrada ay labada xul hoos tagaan ee kala ah UEFA iyo CONMEBOL.

Kulankan ayaa la qorsheeyay in la ciyaaro bisha June ee sanadka dambe inkastoo ay UEFA si rasmi ah u sheegtay inaan wali la go’aamin taariikhda saxda ah ee ciyaarta iyo garoonka lagu ciyaarayo balse wararka qaar ayaa sheegaya in magaalada Naples ee dalka Taliyaaniga la filayo in ciyaartaas lagu dheelo.

Wada shaqeynta labada xiriir ayaa salka ku heysa diidmada ay labadooda kaga soo horjeedaan qorshaha xiriirka kubadda cagta dunida FIFA ee ah inuu wax ka baddelo jadwal taariikheedka ciyaaraha sida in Koobka Adduunka la qabo hal mar labadii sanaba.

Si kastaba ha ahaatee, xiriirrada UEFA iyo CONMEBOL ayaa horraan si gaar ah u wada shaqeyn jiray iyadoo kooxaha kusoo guuleystay tartanka horyaallada qaaradahaas ay kulmi jireen laga soo billaabo 1960-kii illaa xiriirka FIFA uu aas-aaso Koobka Kooxaha Adduunka (FIFA Club Wolrd Cup) sanadkii 2005.

Hase ahaatee, waa markii ugu horreysay ee ay xiriirradaan kulan u ciyaareed u sameeyaan xulalka kusoo guuleystay EURO iyo Copa America iyadoo bartamaha sanadka 2022 uu xulka Azzuri la ciyaari doono dhiggiisa La Albiceleste.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close