RASMI: Macallin Carlo Ancelotti oo ku dhawaaqay liiska xiddigaha Real Madrid ee uu kala qeyb-galayo kulanka Champions League

(Madrid) 28 Sebt 2021. Tababaraha Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha kooxdiisa ee kala qeyb-galaya kulanka caawa ee UEFA Champions League.

Los Blancos waxaa dib ugu soo laabtay Toni Kroos oo ka soo muuqan kara caawa kulankiisii ugu horreeyey ee xilli ciyaareedkan, inkastoo loo badinayo inuu kaliya beddel ku imaan karo.

Xiddiga xulka qaranka Jarmal ee Kroos waxaa Real Madrid ugu dambeysay inuu u ciyaaro 9-ka bishii May oo laga joogo 141 maalmood, markaaso uu haleelay caabuqa Korona Fayras, kaasoo sabab u noqday inuusan ciyaaray saddexdii kulan ee ugu dambeeyey fasal ciyaareedkii hore ee Granada, Athletic  Bilbao iyo Villarrea.

Liiskan uu soo saaray tababare Carlo Ancelotti waxaa xiddigaha Real Madrid dhaawacyo kaga maqan, Ferland Mendy, Marcelo, Dani Carvajal, Dani Ceballos iyo Gareth Bale.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha kooxda Real Madrid ee caawa kulan qeyb ka ah Champions League heerkiisa guruubyada ka hor tagaya FC Sheriff.

LIISKA OO DHAMMAYSTIRAN:-

Goolhayeyaasha: Courtois, Lunin and Luis Lopez.

Daafacyada: Militao, Alaba, Vallejo, Nacho and Miguel.

Khadka dhexe: Kroos, Modric, Casemiro, Valverde, Lucas, Isco, Camavinga and Blanco.

Weerarka: Hazard, Benzema, Asensio, Jovic, Vinicius, Rodrygo and Mariano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close