RASMI: Kooxda PSG oo ku dhawaaqday liiska xiddigaha ay caawa kala hortagayso Man City… (Neymar & Mbappe oo hoggaaminaya iyo Messi oo…)

(Paris) 28 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta PSG ayaa ku dhawaaqday liiska xiddigaha kooxdeeda ee ay caawa kala hortagayso Manchester City tartanka Champions League.

Paris Saint-Germain ayaa shaxdeeda shaacisay, waxaana hoggaaminaya Mbappe & Neymar, halka Lionel Messi uu soo laabtay.

Kooxda ka dhisan caasimadda Faransiiska ayaa caawa garoonkeeda Parc des Princes ku qaabilaysa Manchester City kulankooda labaad ee heerka guruubyada Champions League.

Macallin Mauricio Pochettino ayaa 23-ka ciyaaryahan ee uu shaaciyey magacyadooda oo kulankan diyaarka u ah ka mid ah Lionel Messi oo dhaawac jilibka ah ku maqnaa kulamaddii ugu dambeeyey.

Sergio Ramos ayaan weli tababarka buuxa ee kooxda dib ugu soo laaban, si rasmi ahna uga soo kaban dhaawacii uu la maqnaa, sidaas darteed waa uu seegayaa kulanka caawa.

Liiska kooxda PSG ee kulanka caawa Man City oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

1.Keylor Navas

2.Achraf Hakimi

3.Presnel Kimpembe

5.Marquinhos

  1. Marco Verratti

7.Kylian Mbappé

8.Leandro Paredes

9.Mauro Icardi

10.Neymar JR

15.Danilo Pereira

17.Colin Dagba

18.Georginio Wijnaldum

20.Layvin Kurzawa

21.Ander Herrera

22.Abdou Diallo

23.Julian Draxler

24.Thilo Kehrer

25.Nuno Mendes

  1. Idrissa Gueye

28.Eric Junior Dina Ebimbe

  1. Leo Messi

50.Gianluigi Donnarumma

60.Alexandre Letellier

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close