Kooxda Liverpool oo hoggaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa Jude Bellingham.. (Halkee wax marayaan?)

(Liverpool) 28 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la soo warinayaa inay hoggaanka u hayso tartanka loogu jiro saxiixa da’yarka Jude Bellingham.

Jariiradda Daily Star ayaa warinaysa in Reds ay hoggaanka u hayso tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham.

Kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u haysa tartanka loogu jiro laacibka khadka dhexe uga ciyaara naadiga Borussia Dortmund ee Jude Bellingham sida ay daabacday Jariiradda Daily Star.

Heshiis kasta oo ku aaddan xiddigan xulka qaranka England ayaa la filayaa inuu ku kici doono lacag lagu qiyaasayo 100 milyan oo u dhiganta 137 milyan oo dollar.

Kooxo dhowr ah oo ka dhisan qaaradda Yurub ayaa xiiseynaya saxiixa xiddigan  Bellingham, laakiin kuwa ku sugan garoonka Anfield ayaa isku diyaarinaya inay lacag badan ku bixiyaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen laacibkan mustaqbalka leh.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close