Xiddiga reer Real Madrid ee Toni Kroos oo sheegay inta bilood ee uu ciyaarayay isagoo dhaawac qaba

(Madrid) 27 Sebt 2021. Waxaa dhowaan la filayaa inuu garoommada kusoo laabto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Toni Kroos kaasoo haatan dhaawac kaga maqan kooxdiisa ole’olaha bilawga ah ee 2021-22.

Kroos ayaa la sheegay inuu haatan ku jiro soo kabasho wanaagsan isagoo tababar fudud la sameynaya safka Los Blancos isla markaasna rajeynaya inuu dib ugu soo laabto ciyaaraha goor dhow.

Kubbad qaabeeyaha Jarmalka ah ayaa majaladda Goal u sheegay inuu ciyaarayay isagoo dhaawac la xanuunsanaya muddo gaareysa lix illaa toddobo bilood oo uu safanayay naadigiisa Madrid iyo xulka Germany oo uu u ciyaaray isagoo qaba dhaawac tartankii qarammada Yurub ee Euro 2020.

“Waan faraxsananahay, maxaa yeelay waxaan maata awooday inaan tababarkii saddexaad kala qayb qaato kooxda anigoo aanan dareemeyn xanuun kaddib lix ama toddobo bilood oo xanuun dareemayay, sidaas darteed, waa dareen wanaagsan” ayuu yiri 31-sano jirka khadka dhexe kubadda ka maamula.

Si kastaba ha ahaatee, Kroos ayaa garoommada ka maqnaa tan iyo 29-kii June markaas oo uu kulankiisii ugu dambeeyay u saftay xulkiisa Jarmalka ciyaarihii qarammada Yurub, waxaana uu haatan sheegay inuu aad u xiiseynayo kusoo laabashada u ciyaarista kooxdiisa Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close