Wargeys kasoo baxa Spain oo daaha ka rogay xaalad shaki gelinaysa mustaqbalka Memphis Depay ee naadiga Barcelona

(Barcelona) 27 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa suuqii xagaaga si bilaash ah kula soo saxiixatay xiddigii hore ee Lyon, Memphis Depay kaasoo qalinka ugu duugay qandaraas labo sano ah.

Warar kala duwan ayaa sheegaya inay Barca heshiiskaas ku dartay qodob u ogolaanaya inay hal sano oo dheeraad ah ku kordhiso qandaraaska Depay haddii ay isku af-gartaan taasoo ka dhigan inuu Camp Nou sii joogi karo illaa 2024.

Balse wargeyska Mundo Deportivo ayaa shaaciyay inay Blaugrana kala xaajootay qodobkaas wakiilka weeraryahanka reer Netherlands balse aanan la isku waafaqin, sidaas darteedna uu qandaraaskiisa si toos ah u dhici doona xagaaga 2023.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda reer Spain ayaa ay qasab ku tahay inay wada xaajood heshiis kordhin ah la sameyso 27-sano jirka weerarka ka ciyaara si ay ugu kordhiso qandaraaskiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close