“Man United kuma guuleysan karto Premier League xitaa iyadoo heysata Cristiano Ronaldo” – Xiddig hore ugu soo ciyaaray Red Devils

(Manchester) 27 Sebt 2021. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa xagaagan ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo hanashada horyaalka Premier League kaddib markii ay si wacan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan inkastoo kulankii ugu dambeeyay ay guuldarro kala kulantay naadiga Aston Villa oo 1-0 kaga adkaatay Sabtidii ciyaar lagu ciyaaray garoonkeeda Old Trafford.

Balse bandhiggaas waxaa wali shaki ka qaba difaaceedii hore ee Gary Neville oo qaba inaysan Red Devils ku guuleysan karin horyaalka Ingiriiska iyadoo xitaa haatan heysata xiddiga gool-dhaliyaha ah ee Cristiano Ronaldo.

“Waxaan sheegay xitaa iyadoo adkaaneysa, xitaa iyadooo uu (Cristiano) Ronaldo gool dhalinayo inaysan u ciyaareyn si wanaagsan oo ay u dheesho koox horyaal qaadi karta aragtideyda” ayuu yiri kabtankii hore ee Man United oo ka qayb qaadanayay barnaamij dood ah oo ka socday TV-gaSky Sports.

Gary Neville on the first time he ever saw Ronaldo play - and how he was  DESPERATE to sign him - Irish Mirror Online

Sidoo kale Neville ayaa sheegay inaysan kooxdiisii hore u wanaagsaneyn marka ay kubadda heysato sida ay u wanaagsantahay xilliyada qaar oo kale, sidaas darteedna, ay u baahan tahay midow ah marka ay kubadda heysato iyo marka ay ka maqan tahayba.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaanan ku guuleysan horyaalka Ingiriiska tan iyo 2012-13, balse saxiixyadii oo ugu horreeyo Ronaldo oo la raaciyay Raphael Varane iyo Jadon Sancho ayaa ka dhigtay in loo saadaaliyo hanashada horyaalka inkastoo kabtankeedii hore uu qabo aragti ka geddisan taas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close